Waxyaalaha aan samaynno haddaan IVO nahay

Kormeerka daryeelka iyo xannaanada (IVO) waa hay’ad korka ka ilaalisa goobaha caafimaadka iyo shaqaalaha goobahaas.

Micnaha kor ka ilaalintu waa inaan kontaroolno sida hawluhu u socdaan. Waxaan kaloo ruqsad siinnaa kuwa soo codsada inay bilaabaan hawlo gaar ah, guryaha dhallinyarada ama HVB.

 

Waxaan baaritaan ku samaynnaa laamaha caafimaadka iyo daryeelka Iswiidhen si aan u hubinno inay yihiin kuwo ammaan ah oo tayo leh. Waxaan kaloo talooyin siinnaa shaqaalaha laamaha caafimaadka iyo daryeelka si ay hawlahooda u sii hagaajiyaan oo u horumariyaan.