Logotyp IVO

Khadka carruurta iyo dhallinyarada ee IVO

- markaad dooneyso inaad wax dheeraad ka ogaato xuquuqahaaga ama aad sheegato in aysan wax waliba ahayn sidoodii.

Waxaad xaq u leedahay daryeel iyo xannaano Taasi waxay la micne tahay in laguu sahlo inaad raadsato oo hesho caawimaad marka aad xanuunsan tahay ama liidato.

 

IVO waxay hubineysaa in xafiiska adeegga bulshada iyo laamaha caafimaadku ay raacaan sharciyada iyo xeerarka degsan. Haddii dadka goobahaas ka shaqeeya aysan ku dhegeysan ama aysan dhawrin xuquuqdaada waxaad la xiriiri kartaa khadka dhallaanka ee IVO oo aad:

 

  • wax ka weyddiineyso xuquuqahaaga
  • u sheegeyso waxyaalaha aan si fiican uga shaqayn laamaha caafimaadka ama xafiiska adeegga bulshada.

 

Waana lacag la’aan oo qarsoodi ayaad ula xiriireysaa, haddaad u baahatana turjubaan ayaa lagu qaban.

 

Ku dhiirro inaad nala soo xiriirto. Diyaar ayaan kuu nahay!

 

Haddaad dooneyso inaad aragto filinkaan oo luuqado badan ku hadlaya, riix halkaan.