Logotyp IVO

Ma ogtahay xaqa aad leedahay?

Dadka oo dhammi waa isku qiimo oo way siman yihiin. Adiga iyo dhalinyarada kaleba waxaad xaq u leedihiin inaad ku kortaan bay’ad ammaan ah.

Adigu waxaad xaq u leedahay inaad:

  • Inaad ogaato sababta aad u deggan tahay meesha HVB ama guriga lagu xannaaneeyo carruurta.
  • Inaad ka qayb qaadato marka la qorshaynayo arrimo adiga ku khuseeya, tusaale ahaan intee in leeg ayaad adigu meesha deggenaanaysaa kadibna xagee ayaad u guuraysaa.
  • Inaad ogaato qofka adiga arrimahaaga gacanta ku hayo ee xafiiska bulshada ka shaqeeya iyo sida aad iyada ama isag ula xiriirayso.
  • Xoghayaha arrimaha bulshada waxay mas’uuliyadi ka saran tahay inuu adiga kula soo xiriiro, inuu ku soo booqdo kulana socdo sida ay xaaladaadu tahay.
  • La hadal adigu keligaa xoghayahaaga arrimaha bulshada (socialsekreterare).
  • U sheeg siday adiga kula tahay iyo in lagu dheysto.
  • in aan ciqaab lagugu dirqin oo lagugu khasbin
  • Inaad ogaato wixii adiga lagaa qorayo oo aan lagaa qarin. Waxaad adigu xaq u leedahay inaad dhowr goor su’aalo waydiiso wixii aad adigu fahmiweydo ama haddii aad doonayso inaad ogaato wax kale.
  • Haddii aad adigu istiraahdo wax ayaa khaldan waxaad markaa xaq u leedahay in fikirkaaga la qoro kadibna laguu geliyo malafka waraaqaha laguugu xafido.

 

Haddii aad ka weyn tahay 15 sannadood waxaad adigu xaq u leedahay:

  • Inaad codsato adeega bulshada haddii ay adiga kula tahay inaad u baahan tahay.
  • Inaad ka dacwoonkarto go’aan ay adeega bulshadu adiga kaa gaareen.
  • Waxaad orankartaa haa ama maya ra’yiga ay adeega bulshadu soo jeediyeen. SI ay adeega bulshadu tusaale ahaan go’aan u gaaraan in ay meela ku dejiyaan HVB ama guryaha lagu xannaaneeyo carruurta waxay adiga kaaga baahan yihiin inaad ku tiraahdo okeey iyaga. Laakiin isku mid ma aha go’aanka ka soo baxa LVU ee adiga ku khuseeya.

 

Iskuulka/dugsiga ama shaqo kale oo laguu diro

Waxaad adigu xaq u leedahay inaad:

  • Inaad hesho caawimada aad shaqadda iskuulka aad uga baahan tahay.
  • Inaad lagaa caawiyo wabarashada ama shada kale ee laguu diray

 

Deggaanka

Waxaad adigu xaq u leedahay inaad:

  • Inaad ku noolaato jewi nabad iyo ammaanba ah
  • Inaad ogaato sharciyada iyo habka la raaci ama sida la sameeyo meesha aad deggan tahay.
  • In lagug ixtiraamo qofnimadaada
  • Inaad la hadlikartid shaqaalaha ama qoyska aad la deggan tahay waalidka guriga jooga marka aad u baahan tahay.
  • In alaabada aad adigu leedhay laguu daayo oo ammaan laguu siiyo

Hus med paraply

 

Caafimaadka iyo cuntada

Waxaad adigu xaq u leedahay inaad:

  • Inaad hesho daryeelka caafimaad iyo kan ilkaga ee aad u baahan tahay.
  • Inaad hesho cunto nafaqo leh oo adiga kugu haboon tusaale haddii aad cunto cuntada khudaarta laga sameeyey, ama ay jirto sabab kale oo aanad cuntooyinka qaar u cunin.

Skål med mat.

 

Xiriirka waalidka iyo saaxiibada

Waxaad adigu xaq u leedahay inaad:

  • inaad inta badan xiriir la samaysid waalidkaa, walaaladaa iyo dadka kale ee aad adigu isleedahay waa dad muhiim ah. Marka ugu horeysa waxaa la tixgelinayaa codsiga aad adigu rabtid. Xitaa haddii aanay marwalba noqonin sida aad adigu rabtid. Xoghayahaaga arrimaha bulshada (socialsekreterare) ayaa kuu sheegaya waxyaabaha arrimahaas khuseeya.
  • Haddii la gaaro go’aan ku saabsan sharicga la yiraahdo LVU kaas oo adiga ku kheeya wuxuu markaa qofka xoghayaha arrimaha bulshada kuu qaabilsani go’aaminkaraa tusaale ahaan sida aad waalidkaa ula xiriiraysid. Haddii aad markaa buuxisay 15 sannadood go’aanka dacwo ayaad ka furan kartaa oo maxkamada ayaa u diraysaa.

 

Qofkee ayaan anigu la hadlikaraa haddii wax khaldamaan ama si xun arrini u dhacdo?

  • Marka ugu horeysa waxa haboon inaad la hadasho qoyska aad la deggan tahay, shaqaalaha ka shaqeeya guryaha dhaliyarada lagu hayo HVB, ama qofkale oo weyn oo aad ku kalsoon tahay.
  • Haddii aad fikir ka dhiibanayso sida ay xaaladaadu tahay, waxa adiga laguu qorsheynayo ama aanad ku qanacsanayn sida aad waalidkaa ula kulanto ama dadka kale, waxa markaa haboon inaad la hadasho xoghayahaaga arrimaha bulshada (socialsekreterare).
  • Haddii aanad heli xoghayahaagii arrimaha bulshada kuu qaabilsanaa ama aanay iyadu/isagu dan ka lahayn waxa aad u sheegeyso, waxaad markaa la soo xiriiri kartaa qofka madaxda ah ee qofkaas ka sareeya.

 

La soo xiriir IVO

  • La soo xiriir haddii aad doonayso inaad waydiiso wixii aad xaq u leedahay ama aad rabto inaad u sheegto wixii aan si wanaagsan u shaqaynayn ee ku saabsan adeega bulshada ama caafimaadk-iyo daryeelka bukaanka.
  • IVO waxay leeyihiin lambar telefoon oo khaas ah, iimay iyo mid lagu shaateeyo oo loogu talogalay carruurta iyo dhalinyarada, IVO:s carruurta iyo laynka dhaliyada. Lambarka telefoonka iyo iimaylka waxaad ka heleysaa xaga hoose ee dukumentiga.
  • Marka aad adigu la soo xiriirayso IVO waa isqarinkaraa. Laakiin haddii aad tusaale ahaan doonayso inay IVO baaritaan ama ay hubiyaan su’aashaas oo ay arrinta sii wadaan markaa waxaa khasan annaga nagu ah in aanu ogaano intaa in kabadan. Tusaale in la ogaado waa gurigee ama qoyskee ayay arrintu ku saabsan tahay.

 

IVO iyaga ayaa ka warhaya oo korka ka ilaaliya adeegga bulshada, taas macnaheedu waxa weeya inay:

  • IVO waxay kaantarool ku sameeyaan inay dadka ka shaqeeya adeegga bulshadu ilaaliyaan inay carruurta iyo dhalinyaraduba helaan daryeel caafimaad oo wanaagsan isla markaan leh tayo wanaagsan.
  • IVO waxay kaantarool ku samaysaa inay adeegga bulshadu dhawraan arrinta aad adigu leedahay sida ay dhigayaan sharciyada iyo qawaaniinta jiraa.
  • Xaq ayaad u leedahay adigu inaad la hadasho IVO adigoon qofna ka baryaynin.
  • IVO waxay leeyihiin mas’uuliyad gaar ah oo ku saabsan inay booqasho kormeer ah ku tagaan guryaha dhalinyaradu deggen tahay sannad walba.

IVO och lagbok